Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Fasax ku maqnaan doona ilaa bisha September [Akhriso Sababta]

    Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Fasax ku maqnaan doona ilaa bisha September [Akhriso Sababta]

    July 6, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kalfadhigi saddexaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la xiray iyada oo goluhu uu shaqeeyay wax ka yar saddex bil oo buuxda. Kalfadhiga oo furmay 10kii bishii Maarso [2018] ayay ahayd in uu xirmo Talaadada soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka Luulyo, sida ku xusan xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo jideeyay in Kalfadhi walba uu furnaado afar bil oo buuxda.

    Laakiin hab-dhowre kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sharmaarke Garaad Saleebaan ayaa u sheegay warbaahinta Kalfadhi in bisha Soon ay ku beegantay iyada oo lagu gudo jiro kalfadhiga saddexaas, taas oo keentay in xildhibaannada la fasaxo wixii ka dambeeyay 12-ka bisha Soon oo ku beegneyd 28-ka May.

    “Kalfadhigii saddaxaad saddex bil baan si rasmi ah u shaqeynay, oo bisha soon iyo ciiddii baa bil fasax ah Goluhu galay, waxaana la isku soo laaban doonaa bisha Seprembar” ayuu Xildhibaan Sharmaarke.

    Sidaasna waxa ay xildhibaannadu ku qaadanayaan saddex bilood oo fasax ah, June oo dheeraad ku ah iyo Luulyo iyo Agoosto oo ah bilaha sida sharciga ah uu Goluhu leeyahay fasaxa dastuuri ah.

    Fasaxa ayaa imaanayaa iyada oo ay golahu uusan wada dhammaysan qorshaha kalfadhiga labaad, oo ay hareysay xiisado siyaasadeed oo sababay in kulamo ay  golaha ka baaqdaan, Kulamo kale oo dhowr ahna waxa ay Kalfadhigaan u qabsoomi waayeen kooram la’aan.

    Xildhibaan Sharmaarke Garaad ayaa sheegay in is mooshinkii laga keenay guddoomiyihii hore iyo is qabqabsigii ka dhashay ay Golaha u keeneen in kalfadhiga saddexaad uusan si sax ah u shaqeynin.

    Laakiin xildhibaanada qaar ayaa u sheegay Kalfadhi in qorshuhu yahay in Kalfadhiga afaraad uu furmo dhamaadka bishan Luulyo, waxaana ka mid ah Maxamed Cumar Dalxa “ waxaan ku jirnaa markeey ugu badato fasixii caadiga ahaa ee laba bil-laha ahaa, oo noogu eg 28-ka Luulyo, wixii ka dambeeya waa Goluhu howshiisa bilaabaa, waxaana jira hawla badan oo na horyaalla”

    Kalfadhigii saddaxaad waxaa laga rabay xildhibaannada in ay kulmaan 48 kulan, waxa ayse kulmeen dhawr iyo toban kulan sida uu inoo sheegay Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan.

    Marka uu furmo kalfadhiga afaraad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad, waxaa horyaalla xeerar ay tahay in muhiimad ay siiyaan xildhibaannada Goluhu, kuwaas oo gaaraya ilaa 11 xeer, oo ay ka mid yihiin xeerka xaqsiinta ciidanka, dib u dajinta, argagaxisada, xeerka doorashooyinka 2020-ka, waxaana dhammaan xeerarkaas iyo kuwa kale ee soo kordhi doona kalfadhiga afaraad  la doonayaa in ay xildhibaannadu meel mariyaan inta u dhaxeeysa Sibteenbar ilaa Disembar 2018.

    Isha: Kalfadhi

    Baarlamaanka Fasaxa Baarlamaanka Kalfadhi Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGanacsatada Muqdisho: “Hadalkii Guddoomiye Yariisow waxaan u qaadaneynaa inuu kasoo horjeedo…” [DHAGEYSO JAWAAB]
    Next Article US teen to meet Somali president after Quran recitation win

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo