Waxaa magaalada Dhuusamareeb maanta ka dhacday doorasho ay ku dhaqaaqeen Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug Garabka Ahlu suna, iyagoo doortay Guddoomiye Baarlamaan.
Xildhibaannada oo iska dhega tiray baaqii Aqalka sare ayaa la sheegay inay fadhigoodu joogeen 137 mudane, iyadoo ay doorashadu ku loolameen saddex mushaarax oo taageersan kooxda Ahlu suna, kuwaasoo kala ah:
1- Aadan Xaaji Xasan Gardheer
2- Ismaaciil Cabdulle Axmed
3- Salaad Axmed Ceynte
Wareegii koowaad oo ee doorashada ayaa natiijadii noqotay sida soo socta:
1- Aadan Xaaji Xasan Gardheer: 37 cod
2- Ismaaciil Cabdulle Axmed: 93 cod
3- Salaad Axmed Ceynte: 5 cod
Waxaa xumaaday 2 cod. Wareegii labaad ayaa waxaa tanaasulay musharax Aadan Xaaji Xasan Gardheer, waxaana sidaasi sidii la saadaaliyey ku guuleystay Ismaaciil Cabdulle Axmed oo kooxda Ahlu suna ay wadatay.
Guddoomiyaha cusub ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsi gacansaar la leh Ahlu suna, iyadoo Ahlu suna ay hadda u muuqata inay la wareegtay qeyb ka mida Ahlu suna