Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa goor dhoweyd ansixiyay Golaha Wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Madaweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Wasiiradan oo inta badan ah kuwii maamulkii hore ee C/kariin Xuseen Guuleed oo dib loo soo celiyay, waxaana kulankii Baarlamaanka ee maanta shir guddoominayay Gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Kulanka waxaa ku sugnaa 57 Xildhibaan, iyadoo la sheegay in 52 ka mid ah ay ansixisiyeen golaha wasiiarada, halka 5 xildhibaan ay diiday, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay inay ansax yihiin Golaha wasiirada Galmudug.