Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar kulan ay ku yeesheen eedeyn u jeediyay madaxda maamulkaasi oo ay sheegeen inay sharci darro uga maqan yihiin xafiisyadooda.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle ee magaalada Jowharm ayaa looga hadlay xaaladda Hirshabelle, madaxda ka maqan howshii loo igmaday iyo sidii laga yeeli lahaa.
Qaar ka mida xildhibaanada ayaa saxaafadda u sheegay Madaxdii ugu sareysay Hirshabeelle sida madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay in ka badan bil ka maqan yihiin caasimadda maamulkooda iyadoo aanay jirin cid hogaamisa maamulkaasi xilligan.
Xildhibaanada Kulanka yeeshay ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Maamulku uusan hadda shaqeyn,iyagoo intaa ku daray in aysan Xildhibaanadu Fasaxneyn.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre ayaa Muqdisho ku sugan iyagoo qeyb ka ah ololaha doorashada soona dayacay howshoodii xilligan ay abaarta ba’an ka taagan tahay degaanada ay metelaan.
Wadani.com