Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyey in aqoonsiga lagala noqdo oo xiriirka loo jaro Maamulka Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya, kadib markii uu ka hor yimid amaawiirta dowladda Dhexe, isla markana iska diiday sharcinimada dowladda Federaalka Itoobiya.
Guddoomiyaha Golaha Federaalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim sheegay inaan taageero miisaaniyadeed la siin doonin xukuumada iyo baarlamaanka Is-maamuika Tigray, kaasoo uu sheegay in si sharci darro ah lagu dhisay, isla markaana Hay’adaha Federaalka Itoobiya aysan xiriirsharci ah la yeelin karin.
Hay’adaha Dowladda Itoobiya ayuu Baaralmaanka Federaalka dalkaasi ku amray inaysan xiriir iyo xog iswaydaarsi la yeelan karin maamulka Tigreega sidoo kalena, taageerada lasiiyo deegaanada kale aan la siin karin masuuliyiinta deegaanka Tigray, kana qaybgeli karin shirarka heer federaal.
Arrintan ayaa ka danbeysay khilaaf xoogan oo ka dhex taagan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo is-maamulka Tigreega oo diiday inuu qeyb ka noqodo doorashada dib loo dhigay ee dalka Itoobiya, isagoo qabsaday doorasho u gaara, wxuuuna xiriirka u jaray dowladda Itoobiya.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay labada dhinac ku riixdo isku dhac, iyadoo hore loo saadaaliyey in Gobolka Tigree uu ka go’i karo Itoobiya inteeda kale, ayna dhici karto inuu khilaafku isu bedelo mid milateri.
