Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta doortay madaxweyne haweeney ah markii ugu horeysay kadib markii uu is casilay madaxweynaha dalkaasi.
Haweenayda Sahlework Zewdie ayaa loo doortay madaxweynaha Itoobiya, iyadoo ay ansixiyen xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya oo kali fadhi ku yeeshay magaalada Adis ababa, waxayna markaas ka hor aqbaleen is-casilaadda madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome.
Arrintan ayaa salka ku heys awood qeybsiga qowmiyadaha waaweyn ee dalka Itoobiya, kadib markii Ra’iisal wasaare uu noqday Abiy Ahmed oo kasoo jeeda Oromada, taasoo keentay inuu meesha ka baxo madaxweynaha oo xilkiisu yahay mid dastuuri ah oo aan wax awood ah lahayn.
Ms Sahle-Work Zewde ayaa ahayd diblomaasiyad khibrad dheer ah oo xilal kala duwan kasoo qabatay Qaramada Midoobay, iyadoo hadda ka mid ahayd kaaliyeyaasha xoghayaha guud ee Q/Midoobay una qaabilsaneyd Midowga Afrika.
Dhowaan ayey ahayd markii xukuumada cusub loo dhisay Itoobiya, taasoo kala bar (10) ka mida ay haween loo magacaabay.