Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa cod ay qaadeen muddo xileedka u kordhiyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed, iyadoo uu xafiiska sii joogi dono waqti aan la cayimin oo ku xiran Cudurka CoronaVirus.
Waxaa kaloo Baarlamaanka Itoobiya uu muddo xileedka u kordhiyry maamul goboleedyada federaalka Itoobiya, iyagoo sheegay in Doorashada guud ee Itoobiya la qaban doono 9 bilood kaddib marka ay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ku dhawaaqdo inuu meesha ka baxay halista cudurka Coronavirus.
Arrintan ayaa waxaa ka horjeeda xisbiyada mucaradka iyo Qowmiyadaha Itoobiya qaarkood, Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed lagu tilmaamay inuu isu bedelay keli-talis aan sharciyad heysan.

Isla khilaafka ka taagan Doorashada Itoobiya waxaa Isniintii isu casishay guddoomiyihii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya Kheyra Ibraahim oo kasoo jeeda Tigre, waxayna caddeysan inaysan kasii mid ahaan karin nidaam kelistalis ah.