Iyadoo magaalada Jowhar uu dib uga bilaabanayo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa odayaasha beelaha labada gobol loo sheegay inay soo xulaan Baarlamaanka maamulkaasi.
Shir ka dhacay magaalada Jowhar oo ay yeesheen Odayaasha beelaha labada gobol, Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo IGAD ayaa lagu wargeliyay inay soo xulaan odayaasha 71 xubnood oo uu ka koobnaan doono Baarlamaanka maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Shirka oo qaatay in ka badan 10 saacadood ayaa looga dooday shaki ay ka qabeen odayaasha sida ay wax u wado IGAD, oo halkaasi uu ka joogay wakiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Jamaal Axmed Ibraahim.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha loogu talogalay shirka Jowhar iyo wixii ka soo baxay shirkii ay la yeesheen odayaasha dhaqanka labada beelood.
HOOS KA DHAGEYSO XOGHAYAHA
Wadani.com