Xogheynta Guddoonka Baarlamaanka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka isugu yeertay Berri, iyadoo ku wargelisay kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.
Ajendaha kuanka aan caadiga ahayd ee Berri yeelanayaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa looga hadlayaa ajendayaasha kala ah: Hadal jeedinta Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo U codeynta Kalsooni Siinta Ra’iisal Wasaaraha magacaaban.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa lagu wada inu u hadlo xaaladda kala guurka ah iyo Heshiiskii Doorashada ee lagu qaatay Doorasho Dadban, isagoo ka codsan doona inay heshiisaasi ansixiyaan, ayna kalsooni siiyaanm Ra’iisal wasaaraha cusub.
