Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Berri kulan gaara yeelanaya, kaasoo codka kalsoonida loogu qaadayo Golaha Wasiirada iyo barnaamijka Xukuumadda Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Berri oo Sabti ah Tar 24 Oct, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka BJFS. Ajendaha Waa: U codeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda..” ayaa lagu yiri qoraal loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka.
Wasiirada cusub e xukuumadda uu dhisay Ra’iisal wasaare Rooble ayaa dadaal ugu jiray maalmihii ugu danbeeyay inay kalsooni ka helaan Baarlamaanka, waxaana isla Berri xilhdibaannada loo qeybin doonnaa Barnaamijka xukuumadda.
Waxaa lagu wadaa in si sahal ah ay xukuumaddan ku hesho kalsoonida, iyadoo cod gacantaag ah loo qaadayo, iyadoo waqtigeeda sharciga ah uu ku kooban yahay muddo 3 bilood ah oo kaliya.
