Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa degdeg ku ansixiyay xeerkii labaad ee Doorashooyinka oo la xiriira Kuraasta Gobollada Waqooyi oo doodiisa ay shalay bilaabeen xildhibaannada Baarlamaanka.
Dood kadib waxaa cod gacantaag ah la geliyey Xeerka kuraasta Gobollada Waqooyi, iyadoo ay ogolaadeen167 Xildhibaan, waxaana ka aamusay Hal Xildhibaan, iyadoo aanay cidna ka aamusin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo shirka Baarlamaanka guddoomiyey ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay xeerkan oo ka mida afartii xeer ee dhammeystirka sharciga Doorashada.
Waxaa kaloo Baarlamaanku guda galay ajendaha labaad ee maanta ee ah Xeerka metelaada Gobolka Banaadir, kaasoo dood badan ka taagan tahay, isla markaana laga cabsi qaba in la isku mari waayo.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada ay dalbadeen in la joojiyo shirarka Baarlamaanka ee looga hadlayo xeerarka Doorashooyinka.