Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ansixiyo heshiiska Doorashada 2016 oo in muddo ah dood kulul iyo is mari waa ay hareysay.
Shirarkii ugu danbeeyay ee xalay ay yeesheen Guddiga baarlamaanka, Guddoonka Baarlamaanka, madaxda dowladda Federaalka, madaxda maamulada iyo wakiilada beesha caalamka ayaa lagu ogolaaday in Gobolka Banaadir ee caasimadda Muqdisho ku taallo ay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo hore looga reebay.
Arrintan ayaa ka danbeysay muddo ka badan toddobaad oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo kaashanaya Beesha Caalamka ay isku dayeen inay culeys saaraan Baarlamaanka isla markaana ay marsiiyaan in heshiiska sidiisa loo ansixiyo.
Odayaasha dhaqanka iyo duubabka Muqdisho ayaa iyaguna soo saaray digniin aan hore loo arag taasoo soo dedejisay in xaaladu sii adkaato oo Muqdisho loo ogolaado inay xubno ku yeelato Aqalka sare.
Baarlamaanka ayaa kulan muddo dheer qaadanaya maanta ku ansixinaya heshiiska, waxaana gelinka dambe lagu wadaa inay Muqdisho soo gaaraan xubnaha Golaha ammaanka Q/Midoobay oo socdaalkoodu yahay mid taariikhi ah, waxaana lagu soo beegay ansixinta heshiiska Doorashada.
Wadani.com