Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan looga hadlayo ajendayaasha ugu culus ee xeerarka Doorashada.
Kulanka oo ka dhacaya Xarunta Villa Hargeysa ayuu guddoonka Baarlamaanka shaaciyey in Ajendayaasha looga hadlayo ay kala yihiin: Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerka asteynta kuraasta Goboladda Waqooyi, oo ah laba xeer oo dood badan ka taagan tahay.
Arrinta metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa Guddiga xeerka diyaariyey uu soo jeediyey in la furo tirada Aqalka sare oo 7 xubnood laga siiyo Gobolka Banaadir, waxaana maqan maqaamkii Muqidsho oo aan muddo 20 sano ah lagu guuleysan in sharci loo sameeyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasanadii furitaankii kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo buuq weyn hareeyay ka codsaday labada aqal inay ansixiyaan metalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare, taasoo u baahan inay ansixiyaan 3/2 tirada xildhibaannada labada Gole.