Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo la shaaciyey ajendaha kulanka.
Farriin loo diray xildhibaannada ayaa lagu sheegay in Golaha Shacabka uu maalinta Berito ku siayaan xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa. Ajendahana uu yahay Akhrinta labaaad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka.
Baarlamaanka oo intii kalfadhigiisa 7-aad la furay toddobaadkii hore ayaa isgu yimid hall kulan oo kaliya, waxaana la filayey inuu dedejiyo xeerarka dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka, waxaana muuqata inuu dib u dhac kale ku imaan doono, kadib baaqii Aqalka Sare.

Wadashaqeynta labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shaki soo galay, kadib markii Aqalka Sare uu qaatay tallaabo uu uga baxay in wadajir loo qabto kulamada labada Aqal si loo dedejiyo isbedelka sharciga xisbiyada iyo xeerarka Doorashooyinka.