Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Sharciga Doorashada 2020/2021, kaasoo dood badan dhaliyey, kadib qodobbo ka mida la sheegay inuu horseedayo muddo u kordhinta dowladda hadda jirta.
Kulankii maanta ee xildhibaannada oo ay soo xaadireen 178 mudane oo ah xildhibaanadii ugu badnaa ee fadhiyada Baarlamaanka ka qeyb gala ayaa ugu horeyn laga akhriyey wax-ka-bedel lagu sameeyay qoraalka Sharciga Doorashada oo akhrintii saddexaad maanta maray, waxaana dood kadib loo qaaday codka meel marinta, waxayna natiijadii noqotay:.
171 xildhibaan ayaa u codeeyay Sharciga Doorashada ansixintiisa, waxaana diday 5, halka ay 2 xildhibaan ka aamuseen, sidaasina waxaa Ku dhawaaqay inuu Sharciga Doorashada ansax yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.
Aqalka sare ayaa lagu wadaa in degdeg loogu gudbiyo si uu isna u ansixiyo, waxayna Beesha Caalamka u qabatay labada aqal ee Baarlamaanka inay sharcigan ansixiyaan inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2020-ka.