Monday, May 12, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri cod u qaadaya magacaabidda Cumar C/rashiid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta Beri ah codka kalsoonida u qaado Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo madaxweyne Xasan u magacaabay ra’iisal wasaarihii saddexaad ee xil ka qabtad dowlada uu hogaamiyo.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay maanta arrintan kadib markii ay shir uu guddoominayay Maxamed Sheekh Cusmaan ay ku yeesheen xaruntooda Villa Hargeysa. Waxaa kaloo kulanka beri lagu sii wadi doonaa sharciyada doodoodu socoto.

baarlamaankaw

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale hor imaan doono beri baarlamaanka isagoo ka codsanaya inay ansixiyaan ninka uu ra’iisal wasaaraha u soo magacaabay, waxaana la filayaa inay xildhibaanadu siiyaan codka kadib markii shirar kala duwan oo Cumar la sheegay xildhibaanada uu ku taageeradooda.

Isbaheysiga ay leeyihiin xildhibaannadii taageeray Ra’iisal wasaaraha xilka ka tegaya C/weli Sheekh  Axmed ayaa kulan ay la yeesheen Cumar C/rashiid ku taageeray iyagoo u balanqaaday inay codka siin doonaan shaqsiyan, balse ay shuruudo ku xiri doonaan dhismaha xukuumadda cusub; waana tan keentay in lagu dhiirado in Baarlamaanka kalsooni loo horkeeno ra’iisal wasaaraha cusub.

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON