Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Somaliya

    Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Somaliya

    August 9, 20152 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hor tagtay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii loo yeeray, waxayna ka jawaabtay su’aalo qaarkood ay adag yihiin oo xildhibaanada ka weydiiyeen xaalada waxbarashad dalka iyo howsha wasaaradda Waxbarashada.

    Barlaman

    Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in u yeerista Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay u cuskadeen qodobka 69aad ee Dastuurka Dalka iyo qodobka 72aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Sacabka, isla markaana u jeedku yahay in Wasiirka su’aallo laga weeydiiyo arrimaha Waxbarashada Dalka.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Khadra Bashiir Cali oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa uga mahad celisay Baarlamaanka u yeerista oo muujineysa isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha Dowladda, waxaana ay Baarlamaanka faah faahin ka siisay waxyaabaha Wasaaradda u qabsoomay mudada Lixda bilood ah ee ay heyso xilka Wasaaradda, Baarlamaanka ayeyna weeydiisatay iney dejiyaan sharci mamnuucaya in goobaha waxbarashada oo ay ugu horeeyaan iskuullada la deegaameysto.

    Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay iney Wasiirka Waxbarashada weeydiiyaan su’aallo, waxaana su’aallaha Xildhibaannada ka mid ahaa:- hirgelinta barnaamijka aada dugsiyada (Go to school) sida loo maamulo deeqaha waxbarasho, qaadista imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, bixinta shahaadooyinka, tababarrada macalimiinta, qorshaha Wasaaradda 2015-2016, sameyna sharciyada waxbarasho iyo in gobollada dalka lagu baahiyo adeegyada Waxbarashada.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabtay su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa xustay in deeqaha Waxbarasho ay Wasaaraddu si siman ugu qeybisay gobollada Dalka, ayadoo taasina lala kaashaday maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana sidoo kale ay si gaar ah faah faahin uga bixisay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan ardayda aanan gelin imtixaankii dugsiyada sare.

    32 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa isku qoray iney su’aallo weeydiiyaan Wasiirka Waxbarashada, kaliya 7 Xildhibaan ayaa su’aallo weeydiiyey maanta, waxaana haray oo su’aallahooda dib loogu dhigay maalinnimada beritto ah 25 Xildhibaan, geesta kalena waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka loo qeybiyey maanta mooshin ay Xildhibaanno ku dalbanayaan in wax lagaga bedello Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Baarlamaanka Wasiirka Waxbarashada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAhlu sunna oo dowladda Federaalka ku eedeysay inay dagaal ka abaabuleyso degmada Cadaado
    Next Article Dhageyso: Wareysi cod murugo badan: Aabaha darawalkii waday Baskii ciidamada Itoobiya ku laayeen dadka ee tuulada Halgan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo