Guddi ka tirsan Baaralmaanka Kenya ayaa looga yeeray Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Munica Juma oo la sheegay in su’aalo laga weydiin doono khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiyaha Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda Kenya Katoo Metito, ayaa sheegay in Wasiiradda ay hordhigi doonaan su’aalo ku saabsan xiisada Dibolamaasiyadeed ee sii xumaanaysa iyo sababaha ay Kenya xiriirkii diblomaasi ee Soomaliya hoos ugu dhigtay.
Warrka qaar ayaa sheegaysa in Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Munica Juma uu qorshuhu ahaa in ay maanta timaado Magaalada Muqdisho iyada oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, basle Baarlamaanka dalkaasi u yeeray si ay faahfaahin u siiso.
Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ,Macharia Kamau ayaa sheegay in labada dal ay arrintan u dhameyn karaan si hoose, iyada oo markii uu khilaafka billaabanayay aysan wasiiradda joogin Kenya.
Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Somalia, iyadoo madaxda kale ee dalka Kenya aysna wax lug ah ku yeelan arrintan.