Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Badbaadi Zeylac, Adiga ayeeyna Hiilo kaa sugee (Zeylac ma ku jirtaa 4-ta Dekadood ee Ethiopia la siiyay?)

    Badbaadi Zeylac, Adiga ayeeyna Hiilo kaa sugee (Zeylac ma ku jirtaa 4-ta Dekadood ee Ethiopia la siiyay?)

    January 22, 2022Updated:January 22, 20226 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qore: Yahye Amir

    Ethiopia waxa ey codsatay Marin Berriga ah oo isku xiro Ethiopia – Zeylac iyo Xeeb dhararkeedu yahay 25Km iyo Dekedda Zeylac, laga soo bilaabo 1897 illaa 1943.

    1. Jan. 2022 Siyaasi Mareykan ah ayaa yiri: Ma ogolaaneyno in Ethiopia Xoog ku qabsato Zeylac. (waxa uu ka shakiyay in Ethiopia ey Zeylac ka sameysato Saldhig Ciidan, kadibna ey keento Tababarayaal Ruush ama Shiino ah, laakin in arrintu ka weynato Tababar, Laguna hoos qariyo Saldhig Ruush ama Shiino).

    2. Waxaa jiro Shaki ah in Zeylac ey ku jirto 4 Dekadood oo aan Ethiopia siinay.

    3. Wafdi Somali land ah oo Jan. 2022 tagay Adis, siyaaba kala duwan ayaana dadku wax u sheegayaan, mise hubo.4. Dowlada Xil gaarsiinta ayaa deg deg ula xiriirtay Masar.Damacii hore ee Ethiopia.Tixraac Taariikhdii hore ee isku daygii Ethiopia ey ku dooneysay Seylac.

    F. Annex 1, kala bedelesho Dhul Mustacmaradii Ingriiska ee Somali Land iyo Ethiopia. Page 2.Tixraac Heshiiskii Anglo – Ethiopia ee 1897dii kaa oo aan lagu qancin kuna saabsanaa, dhulka daaqsinka ah ee ku yaal Xadka Ethiopia iyo Somali land. Ingriiska ayaa kor kala soconayo illaa Xuduuda la calaamadeeynayo 1933-1934.

    Page 2 . Qodobka 2aad. Ingriiska iyo Ethiopa ayaa ka wada hadlay in Dhulka Houd lagu wareejiyo Ingriiska loogana Bedesho in Ethiopia lagu wareejiyo Dekada Zeylac iyo Marinkii loo mari lahaa.

    Qodobka 3aad. Sanadkii 1943 waxaa la furay Heshiiskii Ethiopia iyo Ingriiska kaa oo Ethiopia soo jeedisay in Houd iyo Zaylac la isku bedesho. laakin soo jeedinta Ethiopia Horuumar weyn lagama gaarin markii Ethiopia codsatay in la siiyo dhul ka weeyn intii la filayay in lagu heshiiyo, Ingriiskuna uu ogolaado Ethiopia in la siiyo Marin Cariiri ah oo tago Zeylac oo kaliya, taa oo keentay in Shirkii lagu kala tago.

    Q4. Ethiopia waxa ey rabtay in halkaa waddo Tareen laga dhiso, taasi waxa ey ka hor imaaneysay Heshiis hore oo Saddax geesood ahaa oo Ingriska, Talyaaniga iyo Faransiisku wakhti hore ey gareen Sanadkii 1906dii oo ahaa in midkoodna uuna si gaar ah u ogolaan in Waddo Tareen laga dhiso Zeylac – Ethiopia, Heshiiskaa Ethiopia waa diiday.

    Page 3-Q5. Sanadkii 1950kii ayaa Safiirkii Ingriiska u joogay Ethiopia waxaa loo soo gudbiyay qorshe Heshiis ah in Dhulka Xadka ku yaal ee Daaqa ah lagu wareejiyo Ingriiska, taa badalkeedan Ingriisku uu Ethiopia ku wareejiyo Marin dhinaca Berriga ah oo tago Zeylac iyo Dhul la dherersan Xeebta, dhererkiisu yahay 25 Km, iyo in la siiyo Lacag dhan £ 500,000.

    Page 3-Q6. Ethiopia oo markaa heysatay Erithria aad uma daneyneeyn Zeylac.( Hadda Eritrea, Gacanta Ethiopia waa ka baxday, meesha ugu dhaw Badna waa Xeebaha Somliya oo Xoog iyo Xeeladba ey ku raadinee, arrintaa Somalideena Maanta noolu ma ka aamusi karnaa?)

    Q10. Sharad ayaa Ethiopia looga dhigay haddii dhulka la siinayo in eyna waddo Tareen ka dhisi karin Zeylac – Adis.

    Q 8.Heshiiskiina dib ayaa loo dhigay ilaa Bisha November, si loo saxiixo Heshiis Cusub oo ah Anglo- Ethiopia , kaa oo lagu bedelayo Heshiiskii hore ee 1944 lagana bilaabo Heshiiska Kirada Dhul ee 30 Sano.

    Page4. Q11.wakiilkii Mustacmaradaha Ingriiska ayaa weeydiiyay wakiilkii Ingriiska ee Somali land in la helo aragrida Qabiilada Somlida ee degan Zeylac iyo Dhulka Houd, dhulka la isku muransan yahay oo kaliya. Tirada Qabiilada deegaankaa kooban ee laga doodayo qeyb ka mid ah, waxaa lagu qiyaasay Qabiilka Ciisaha 30,000 Qof kuwaa 12,000 ayaa dhinaca Somali land degaan, halka 3,000 Qofna ey joogto Reserved Area. Xattaa Suldaanka Ciisuhu waxa uu wakhtigaa deganaa dhinaca Ethiopia. Dhinaca kale Qabiilka Gudabiirsuhu waa ka soo horjeedeen Ethiopia, waxaana lagu qiyaasay Gudabiirsaha 45,000 Qof, 30,000 Qof waxa ey degan yihiin dhinaca Somali land inta kalena Reserved Area, mana rabaan Ethiopia.

    Q.12. Wakiilkii Ingriiska ayaa yiri: Guud ahaan Qabiilada Zeylac ma ogolaa doonaan in Ethiopia lagu daro. Ururada kale ee wadaniyiinta ah ee wakhtigaa Halganka Gobanimo doonka wadayna ma ogolaan doonaan, si adag ayeeyna u diidi doonaan.

    Q14, 15 & 16. ayaa leh: sidaa darteed yaan lala tashan Somalida, si eyna Qabiiladu Ingriiska ula dagaalin, haddii ey maqlaan in Ethiopia lagu wareejinaa Zeylac.

    Q.17. Houd iyo Reserved Area ha ku sii jireen Gacanta Ingriiska si ku meel gaar ah ilaa 1944 hana loo aqoonsado dhul Ethiopia.

    Page 6. Q.19. talo jeedintu nooma wada fiicneeyn, laakin Ethiopia oo damac qaaday ayaaba diiday soo jeedinta hoose ee ,a,b, c iyo d.ee ku qoran page.6.

    Q.13.Ingriiskuna Ma ogolaa doono in Zeylac lagu wareejiyo Ethiopia, Ingriiska oo tixraaceyno Heshiiskii Qarnigii hore ee 1897.markaa Ethiopia ayaa dhinaceeda ka soo eriday Xoola dhaqato Somali ah.

    Qod. 9. waxaa Xasuusin muhima ah. ( in kasta oo laga dooday, la iskuna dayay in Zeylac lagu wareejiyo Ethiopia, Haddana marna ma dhicin Heshiis dhab ah oo Zeylac ku saaban oo wareejintiisa la saxiixay, Ingriiska ayaa yiri: Dhulka waxaa lagu wareejinayaa Dadka iska leh. Haddii Awoowayaal ey halkaa soo gaarsiiyeen oo aan lagu dul saxiixin, Hadda naga ilaaliya in nalagu dul saxiixo Dekedda Zeylac)

    Zeylac iyo Xeebaha kale ee Somalida inta badan Madaxdu marka ey ka hadalyaan ma fiiriyaan Danta Qaranka ee wakhtiga fog iyo Kan dhaw, badanaa waxa ey u howl galaan hab Dalaalnimo oo Dowlado ama Shirkado ey ugu adeegayaan si ey dhaqaale u gaar ah uga helaan, sida in loo shaqeeyo: Khalijka, Mareykanka, Chinha, Ruushka, Ethiopia, Kenya iwm.

    Hore waxaan Bogeyga idiinkugu soo qoray Dacwadii Ethiopia ey ku sheeganeysay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada la xiriiro, iyo 3dii Dal ee UN u xil saartay 1957. iyada oo aan dacwadii Go’aan laga gaarin ayaan Xuriyadii qaadanay. laakin Magaca “Baydhabo” iyo “Maidaba” oo ethiopia ku dacwooneysay galkiisii Dacwadana weli lama xirin. in kasta oo Talyaanigu Cadeeyay in Maidabada uu kula heshiiyay Ethiopia ey tahay Meel ku taal Gudaha Ethiopia oo eynan aheeyn Magaalada Beydhabo oo Ethiopia ey sheeganeysay 1957. ( Ogoow, Deeganadii ey sheeganeysay Ethiopia 1957, Hadda Ciidanadeeda ayaa joogo, Galkii Daceadana weli lama xirin)

    Wasiir Sucuudi ah ayaa shir caalamiya ka soo jeeday in Somaliya lagu daro Ethiopia lana Baabiyo Somaliya

    Baddeenii ayaa Kenya nagu sheegtay. Hawadiina hadda ayaa la rabaa in nalaga wareejiyo Marinka Dayaaradaha.

    Ogoow, Hadda Arrintu waa ka weeyn tahay Dekadda Zeylac, waxaa ku yaal deegaanka Ceelasha shidaalka ee Heemaal 1, Heemaal 2 iyo Ceel kale oo shidaal oo ku yaal Xeebta Badda afkeeda ah oo Zeylac u dhaw.

    Hadeey Baraka male Gaarto, intii Zeylac ey Gacanta Ethiopia Geli leheyd, Reer Zeylac 4 arrimood ayaa u furan:

    a) in ey ka mid ahaadaan Somalidii 1960kii wax isku darsaday.

    b) in Somali Land ey ka mid ahaadaan.

    c) In ey ku biiraan Jamhuuriyadda Jabuuti.

    d) in ey Noqdaan Dowlad Madax banaan oo la soo celiyo Dowladoodii hore ee Awdal ee ka tali jirtay Zeylac iyo Deegaanada la xiriiro.

    Hadda, waxaan isku heeysanaa, wax yar oo gudaheena ah, waxaana la isku heysyaa jiritaankeena.

    FG: Shacabka haloo sheego Xaqiiqda, Documets-ka soo jireenka, ahna hana la raadiyo, Wasaarada Arrimaha Dibaddu ha u diyaariso khubaro si gaar ah khatarahaa uga hor tagto.

    W/Qoray: Yahya Amir

    Qormo Seylac Top Yahye Amir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHooyada Ikraan Tahliil oo Digniin adag kasoo saartay tegista Fahad Yaasiin ee Magaalada Beledweyne
    Next Article XOG: Natiijada 5 Xildhibaan oo lagu doortay Garowe (Sidee laba Musharax uga badbaadeen Siciid Deni?)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo