Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Badda ay la tagtay laba gaari iyo dad shacab ah oo saarnaa.
Arrintan ayaa ka dhacday Xeebta Liido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka goobta ka ag dhowaa ay sheegeen in baabuurta ay Baddu qaaday oo ahaa kuwa raaxada ayaa la sheegay inay wateen dad aan maankoodu caadi ahay oo isticmaalay waxyaabaha maanta dooriya.
Raadinta labada baabuur ee Badda ay qaaday maanta iyo dadkii la socday ayaa ka socota xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay dadka uga digtay badda kacsan, dadkana loogu yeeray inay ka fogaadaan Dabaasha xeebaha xilligan.