Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas.
Badda ayaa la sheegay inay la tagtay hanti badan iyadoo loo gurmaday dad fara badan oo laga daadgureeyay, waxaana la sheegay in qeyb ka mida degmadii ay noqotay Bad.
Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa sheegay in biyaha ay qaadeen ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi, kadib markii ay Badda ku soo butaacday.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen gurmad ay u fidiyeen dadka ay biyuhu saameeyeen.
Dabeylo iyo hirar badan ayaa magaalada Caluula waxyeelo ku hayay ilaa bishii Apriliyadoo xaaladda ay markan gaartay in magaaladaasi ay Bad isu bedeli karto.
Wadani