Baaritaan aan hore loo arag ayaa ka biwolday goobtii lagu dilay sarkaal ka tirsanaa NISA iyo ilaaladii la socotay toddobaad ka hor.
Baaritaanka oo ay sameynayaan ciidamada gaarka ah ee Booliska u qaabilsan dembi baarista oo ay wehliyaan saraakiil caddaan ah oo wata diyaarada Drone-ka ayaa lagu arkay barta Tiyaatarka Qaranka oo dilku ka dhacay.
Ciidamada Baariska danbiyada ee Joint Investigation Team (JIT), ayaan la ogeyn sababta ay baaritaanka usoo dhex galeen maalmo kadib markii uu falkaasi dhacay iyo bandhigga ay goobtaasi ka dhigeen, waxaase dowladda Federaalka culeys weyn ka heystaa beesha uu ka soo jeedo sarkaalka la dilay.
DAAWO SAWIRRO