Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay bandhig weyn loogu sameeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu taageeray in dib loogu doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Xafladda oo ay ka qeyb galeen xildhibaanno iyo madax hore ayaa loogu muujiyey taageerada ololaha uu Sheekh Shariif ugu jiro inuu mar labaad ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo kasoo muuqatay bandhigga Sheekh Shariif ayaa qarxiyey halka xaqiiqo ee Sheekh Shariif uga duwan yahay Musharixiinta kale oo ah inuusan lacag ku bixin Doorashada, laguna eedeeyo ‘SHEEKH SHARIIF BEESO (Lacag) MA HEYSTO’.
Khadiijo Diiriye oo hore u taageertay dib u doorashada Maxamed Farmaajo ayaa hadda caddeysay inay u wareegtay Sheekh Shariif, waxayna si aan gabasho lahayn diirka uga qaaday sida lacagta loogu adeegsato in lagu helo codadka xildhibaannada.
Sheekh Shariif ayaa hore loogu xusuustaa Doorashadii 2017 inuusan wax lacag ah bixin, sida Xasan Sheekh iyo Farmaajo, isagoo kaalinta saddexaad ka galay tartanka, markii danbena codkiisa ku wareejiyay Farmaajo.
