Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya bandow la sheegay in lagu soo rogay magaalada Muqdisho, iyadoo aanay si rasmi ah u shaacin mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa maanta xiray qaar ka mida masaajidda Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mida ay qalalaase ka abuureen, sida Masjidka Marwaas ee degmada Xamarweyne oo dadkii ku tukanayey salaadii jimcaha ay diideen inay ka tagaan masaajidka, kadibna ay bannaanbax dhigeen.
Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ka dhaqan galau Bandow lagu soo rogay, isagoo aan sheegin goorta uu amarkan soo baxay iyo cidda soo rogtay, lamana oga xilliga uu ka bilowdo ama ku eg yahay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale la sheegay inuu amarkan ka yimid, iyadoo magaalada lagu arkay ciidamo Boolis ah oo ganacsatada ku amraya inay xiraan xarumahooda, siiba Wadadda Maka Al-mukarama waxayna dad badan la yaabeen bandow aan la shaacin, lagana warqabin iyo ciidamo dhaqangelinaya.
Arrintan ayaa ka mida isku dhex yaaca ka taagan qaabka ay dowladda Federaalka ula macaamileyso Cudurka Coronavirus oo dhinacyo kala duwan ay amarro soo saarayaan, sida wasaarado, xafiisyo iyo maamulka Gobolka Banaadir.