Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Bankiga Adduunka & Hay’adda IMF oo shaaciyey inay Somalia kasoo baxday shuruudihii Deyn Cafinta

    Bankiga Adduunka & Hay’adda IMF oo shaaciyey inay Somalia kasoo baxday shuruudihii Deyn Cafinta

    February 14, 2020Updated:February 14, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda & Guddiyada maamula labada hay’adood ee ugu weyn Maaliyadda dunida ee Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya shaqada laga qabtay isbeddello dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka hay’adaha maaliyadda ah iyadoo haddana bay yiraahdeen duruufaha Soomaaliya ay yihiin kuwo adag.

    Labada hay’adoodba waxay ansixiyeen inay aqbaleen in Soomaaliya daymaha laga cafiyo. IMF iyo Bankiga Adduunka waxay labaduba sheegeen inay tallaabadani muhiim u tahay in Soomaaliya laga saamaxo inta badan daynta lagu leeyahay oo dhan $5.3 bilyan oo doollar.

    Agaasimaha hay’adda IMF oo ah haweeneyda lagu magacaabo Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in oggolaansaha ay bixisay IMF uu yahay mid taariikhi ah, waxayna intaas ku dartay inuu si cad u aqoonsanayo isbeddellada dhinaca dhaqaalaha ee ay Soomaaliya sameysay muddadii ay kormeerka dhaqaale ku hayeen shaqalaaha IMF. Muhiimaddda koowaad ee IMF ayaa ah in Soomaaliya ay marin u hesho tasiilaadka dhaqaale ee ay ku samayn karto kobac dhaqaale, iyo faqriga oo hoos loo dhigo.

    Madaxweynaha Bankiga Adduuunka David Malpass ayaa isna go’aanka soo baxay shalay kadib sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Soomaaliya si dhow ula ay shaqeeyeen, isla markaana ay dawladda gacan ka siiyeen horumarka ay ka sameeyeen inay waddanka gaarsiiyaan heer daynta laga cafin karo.

    Waxa uu sheegay in si geedi-socodka loo dhammeystiro oo ay Soomaaliya u hesho dayn-cafiska waddamada faqriga ah ee daymaha culus lagu leeyahay in hawsha maaliyadeed ee Soomaaliya ee hadda ay kormeerka ku hayaan IMF looga soo baxo si lagu qanacsan yahay, iyo in dawladda Soomaaliya ay dawladaha iyo hay’adaha daymaha ku leh ay daymahooda siiyaan ama ay kula heshiiyaan istiraatijiyo looga nadiifiyo.

    Waxa uu sheegay David Malpass in Bankiga Adduunka uu kula talinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee hoos timaadda IMF ee IDA inay iyadu ka cafiso daymaha lagu leeyahay Soomaaliya dhammaadka bishan Febraayo. Intaasi waxaa dheer ayuu yiri in Soomaaliya looga baahan yahay in waajibaadyada saaran dhinacooda ay kasoo baxaan si ay u gaaraan heer dhammaystiran oo la gaaro go’aan kama dambays ah bisha Maarso ee sannadkan.

    Waxa uu sheegay in marka ay Soomaaliya gaaro heerka dhammaystirka ah inay xaq u yeelan doonto dayn-cafin aan shuruudi ku xirnayn marka loo eego barnaamijka waddamada faqriga ah ee lagu leeeyahay daymaha culus; iyo weliba barnaamijyada daymaha culus ee u dhigma kuwaas ee ay ku wada jiraan hay’adaha Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika (AfDF), iyo taageerada IMF. Waxa uu intaasi ku daray in waddama la isku yiraahdo Paris Club laga filayo inay Soomaaliya siiyaan taageero ka sokow dayn-cafinta.

    Barnaamijka waddamada faqriga ah ee daymaha culus lagu leeyahay waa barnaamij ay sameeyeen IMF iyo Bankiga Adduunka oo ay ku jiraan dhammaan hay’adaha lacagta ee dunida iyo waddamada ugu tunka weyn ee dayamaha bixiya kaasi oo qaamaha looga khafiifiyo waddamada ugu faqrisan dunida si looga yareeyo caqabadaha ka hortaagan kobaca dhaqaalahooda iyo hoos u dhigista faqriga. Ilaa hadda 36 waddan ayaa barnaamijkaas hantay, shuruuda looga cafiyo daymahana kasoo baxay.


    Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso ee 2020.

    Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata.

    IMF Somali debt relief Top World Bank
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIMF and World Bank Consider Somalia Eligible for Assistance Under HIPC Initiative
    Next Article Macalin Max’ud: “Laga bilaabo Caawa waa inaan Hubkeena lasoo baxnaa, waxaan isaga celineynaa…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo