Bannaanbax uu ku baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo looga horjeedo Qaraxii weynaa ee dadka badan ku dhinteen shalay ayaa galabta ka dhacaya caasimadda.
Bannaanbaxa ayaa looga horjeeda xasuuqa ka dhacay Muqdisho oo dad boqolaal ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qarixii ugu weynaa ee Sabtidi shalay ka dhacay Igsoyska Zope ee u dhaxeeya degmooyinka Wadajir iyo Hodon.

Guddoomiye Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay dadka Muqdisho in la joogo waqtigii ay caddeyn lahaayeen inay isk duuban yihiin, isla markaana ay ka hortegi lahaayeen caddowga sida arxan darrada ah u leynaya.
Dadka bannaanbaxaya ayaa la filayaa inay isugu tagaan garoonka kubadda cagta ee Koonis Staduim magaalada Muqdisho.