Bannaanbax ay soo abaabuleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca caasimadda Muqdisho muddooyinkan ayaa lagu cambaareeyay faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya.
Isu soo baxay ayaa ka dhacay Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho, gaar ahaan Daljirka Dahsoon iyo KM 4, waxaana ka qeyb galay dhammaan qeybaha bulshada oo ay hoggaamanayeen madaxda dowladda Federaalka, xildhibaanno, maamulka Gobolka Banaadir. Culimada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.
Mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ka qeyb galay bannaanbaxa ayaa muujiyey sida ay u diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mida Badda Soomaaliya, kadib markii ay heshiis la gashay maamulka Somaliland.
Waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin: “Baddeennu Iib maah”, “Taako dhulkeena ka mid ah kama tanaasuleyno” iyo “Baddeenu waa hanti qaran iyo dhaxal umaddeed”.
Madaxda ka qeyb gashay dibadbaxa waxaa ka mida Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin fara badan oo Golayaasha dowladda ka tirsan.