Bannaanbax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in rasaas lagu kala eryay kadib markii ay ciidamada ka hortageen.
Dadweyne bannaanbax ka dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon ayaa ka cabanayay amar kasoo baxay Taliska Milateriga oo ku saabsan in laga guuro xarumaha ciidamada milateriga, taasoo keentay inay dad badan oo degan xarumahaasi ay cabasho muujiyaan.
Dadka bannaanbax dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo iyagoo is weydiiyay in BALANQAADKII FARMAAJO UU BARAKACIN ISU BEDELAY, waxaana markii danbe dadkaasi kala eryay ciidamada iyagoo rasaas kor ugu riday, mana jirin wax qasaare ah oo ka dhacay.
Xaafadda Shiirkole iyo xerooyin dhowr ah ayaa waxaa degan dad fara badan oo muddo ku noolaa, waxaana maalmihii ugu danbeeyay socday ogeysiin cod-baahiyeyaal loogu sheegayay inay ka guuraan xarumaha ciidamada.
Wadani