Banaanbax lagu taageerayo Ra’iisal wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dibadbaxa oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb qaatay boqolaal dad ah oo isaga yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, maanta waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka oo uu horkacayo Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa qeyb ka ahaa bannaanbaxa, wuxuuna isagoo ka hadlayay bannaanbaxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com