Bannaanbax lagu taageerayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, loogana soo horjeedo madaxweynaha xilkiisyu dhammaaday ee Maxamed C/laaahi Farmaajo ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho.
Dadweyne boqolaal ah ayaa isgu soo baxay qeybo ka mida degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, iyagoo wata Boorar ay ku qoran yihiin ‘AFGEMBI MAYA… DOORASHO HAA..’, waxayn ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan Ra’iisal wasaraha.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska ay ka hortageen bannaanbaxaasi, ayna dadkii kala ceyriyeen. Qeyb ka mida bannaanbax waxaa ka dhex muuqday wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.
Fiqi ayaa Taliye ku xigeenka Booliska Cusmaan Maxamed Kaniif iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ku eedeeyay inay cidiamo u adeegsadeen bannaanbaxayaasha.
