Dadweyne careysan ayaa saaka Bannaanbax weyn ka dhigay degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Bannaanbaxa ayaa looga soo horjeedaa ciidamada AMISOM, iyadoo boqolaal ruux ay dhigayaan, kadib markii ciidamada AMISOM la sheegay inay toogteen nin Madaxa looga jiray, kaasoo u dhintay dhaawicii.
Dadka bannaanbaxa wada ayaa ku qeylinaya ereyo ka dhan ah AMISOM iyo dilka ay u geysteen Muwaadinka Soomaaliyeed ee dhintay, waxayna isaga yimaadeen xaafadaha degmada Afgooye.
Bannaanbaxayaaasha ayaa diidey amar kasoo baxay mas’uuliyiinta Degmada Afgooye oo ka dalbaday in la joojiyo Banaanbaxa.