Warar dheeraad aha ayaa kasoo kordhay xaaladda kacsan ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay ciidamo gadoodsan qabsadeen qeybo ka mida xaafadaha caasimadda.
Bannaanbax looga horjeedo muddo kororsiga Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Isgoyska Fagax, halkaasoo ah goobta ugu weyn ee ay fariisiinta ka dhigteen ciidamada gadoodsan oo ku hubeysan tobanaan gaadiidka dagaalka ah.
Weriyeyaal gaaray Isgoyska Fagax ayaa soo weriyey in xaafadaha ku dhow halkaasi ee degmooyinka Yaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa ay ku sugan yihiin ciidamada ka horjeeda dowladda, iyagoo meesha ka saaray ciidamadii Booliska ee ku sugnaa halkaasi.
Dadka bannaanbaxaya ayaa ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah Farmajo, waxaana goobtaasi ka muuqday ciidamada xalay soo galay Muqdisho oo Madaxtooyada Soomaaliya ku fashilantay inay dib u celiso ama qanciso.
