Banaanbaxayaasha looga soo horjeedo Dil toogasho ah oo maxkamad ku taalla Puntland ku xukuntay nin lagu magacaabo Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Ina-caanogeel) ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Ninkan ayay ciidamo ka tirsan Puntland ka kaxeysteen Hoygiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, waxaana muddo dood ka taagneyd inuu ka tirsan yahay Alshabaab iyo inkale, iyadoo hore uu cafis ugu fidiyey madaxweynaha Puntland C/weli Gaas isagoo toogasho ku xukuntay.
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda uu ka dhacay halkaasi iyagoo dalbanaya in ninkaasi la sii daayo.
Nin ku eedeysan inuu yahay Madaxa Alshabaab ee Gaalkacyo iyo xubno kale oo la qabtay