Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa saaka ka dhacay bannaanbax looga horjeedo shirka dib u heshiisiinta ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb iyo wejiga labaad ee shirka dhismaha Galmudug.
Dadweyne iyo odayaal isugu soo baxay magaalada Cadaado ayaa ka hor yimid qorshaha dowladda federaalka ku dooneyso inay ku dhisto maamulka cusub ee Galmudug, waxayna ku doodayaan in maqaamkii Cadaado dib loo soo celiyo, kaasoo ahaa xarunta Baarlamaanka Galmudug.
Odayaasha Cadaado oo hore u diiday inay la kulmaan Ra’iisal wasaare Kheyre, kadib marki ay ku eedeeyeen inuu uga baxay balan ay lahaayeen ayaa sheegay inaysan qeyb ka ahayn shirarka ka socda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dowlada Federaalka ay shirkaasi ka qeyb gelisay odayaal kasoo jeeda Cadaado oo Muqdisho ku nool.