Bannaanbax looga soo horjeedo qaar ka mida madaxda Soomaalida ayaa maanta ka dhacay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa dadka soo dibax baxay ay eedeyn ba’an u jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa iyo Wasiiru dowle Mahad Maxamed Salaad oo sawiradood ay ku jeexjeexeen kadibna ku gubeen halkaasi.
Dadka oo isugu yimid fagaaraha magaalada ayaa saddexaadsi mas’uul ku eedeeyay inay cadaalad darro ka dhan dadka degaankaasi ku sameeyeen.
Hoos ka daawo Sawirada.
Wadani.com