Bannaanbaxyo ay dhigeen dad careysan oo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo dadka abaabulay ay cabasho ka ahaayeen fal ka dhacay magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in dadka banaanbaxa waday ayaa ka careysnaa dil xalay ka dhacay magaalada oo askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu ku dilay qof shacab ah, waxayna dalbanayeen in askarigaasi cadaaladda la horkeeno, waxaana wadooyinka magaalada lagu gubay taayaro iyadoo la xiray jidadka qaarkood.
Bannaanbax ayaa saameyn ku yeeshay isu scodka dadka iyo gaadiidka magaalada Garowe, waxaana arrintan ay xaalad kacsan ka dhalisay xarunta Puntland, waxaana ku dhawacmayn haweenay iyo wiil arday ah, iyadoo ay ku dhacday rasaas ay rideen ciidamada Puntland.