Waxaa sii xoogeystay bannaanbaxyada waaweyn ee ka dhashay dilkii Ninka Madowga ahaa ee George Flyod ee askariga Caddaanka ah uu ku dilay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, iyadoo dadka fara badan ay isugu tageen agagaarka Aqalka Cad.
Kumanaan qof ayaa bannaanbax rabshado wata ka dhigaya Aqalka cad iyo degaanka ku xeeran, iyadoo ciidamo fara badan ay difaacayaan Aqalka Cad oo fadhi u ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Dadka bannaanbaxaya ayaa dab qabadsiiyey dhisme u dhow Aqalka Cad, waxayna iska hor imaad la galeen ciidamada kala duwan ee ilaalinaya Aqalka Cad oo adeegsanaya Sunta dadka ilmada ka keenta iyo rasaas Cinjir ah.
Bannaanbaxayaasha ayaa iska diiday oo jebiyey Bandow lagu soo rogay magaalada Washington oo goor dhow bilowday, waxaana weli socda bannaanbaxyada iyo iska hor imaadyada dadka careysan iyo ciidamada Amniga.
Madaxweyne Trump iyo Qoyskiisa oo degan Aqalka Cad ayaa la sheegay in la geeyay dhisme dhulka hoostiisa ku yaalla Aqalka Cad so amnigooda loo xoojiyo.
Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa hareeyay bannaanbaxyo rabshado wada oo ka dhashay dilka Ninkii Madoobaa sida arxan darrada ah uu u dilay sarkaal Boolis oo Caddaan ah, waxaana magaalooyin kala duwan lagu soo rogay Bandow, iyadoo falal boob iyo bililiqo ah ay dhaceen.







