Magaalooyin badan oo dalka Mareykanka ku yaala waxaa maalintii labaad galay bannaanbaxyada looga soo horjeedo doorashada Donald Trump.
Magaalada Portland ee Oregon wuxuu Booliska ku tilmaamay bannaanbaxyada inay yihiin rasbshado, waxaana dadka looga digayinay ka fogaadaan, kadib markii falal isugu jira kharbudaad iyo boob ay dhaceen isla markaana baabuur iyo hanti ganacsi la burburiyay.
Magaalooyin gaaraya ilaa 18 ayaa maalintii labaad waxaa kasocda bannaanbaxyo kumanaan ruux gaaraya oo gudbaya sawiradda Donald Trump, waxaana sii xoogeysanaya arrintan oo laga cabsi qabo inay sii kororto.
Just had a very open and successful presidential election. Now professional protesters, incited by the media, are protesting. Very unfair!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) November 11, 2016
Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka hadlay bannaanbaxyada looga horjeedo ee socda, wuxuuna bartiisa twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegay inay cadaaalad darro weyn tahay in doorasho furan oo guul ku dhammaaday kadib lagu bannaanbaxo, wuxuuna ku eedeeyay Warbaahinta Mareykanka inay shideyso arrintan.
Wadani.com