Bannaanbaxyo waaweyn ayaa ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dadka bannaanbaxaya ay ka gadoodsan yihiin xirnaansha dekadda Boosaaso oo muddo toddobaad ah aanay wax shaqo ah ka socon, iyadoo ay isku dhaceen maamulka shirkadda Imraadka ee la wareegtay iyo Ganacsatada isticmaasha.
Arrintan oo saameyn ku yeelatay ganacsigii iyo noloshii magaalada Boosaaso ayaa keentay in dadku isu soo baxaan. Ciidamada ammaanka magaalada ayaa isku dhac dhex maray dadka bannaanbaxaya, waxaana ciidamadu ay baacsanayaan dadka bannaanbaxa wada, iyadoo lasoo weriyay in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in bannaanbaxyada rabshadaha wata ee Boosaaso lagu dilay qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.