Bannanabaxyadii ka dhashay dilka ninkii Madowga ahaa ee George Floyd ayaa ku sii fiday magaalooyinka Mareykanka, iyagoo soo gaaray Aqalka Cad iyo caasimadda Washington.
Dadweyne ka careysay sidii Sarkaal Boolis oo caddaan a h u dilay ninka Madow ee George Floyd ayay isku dhaceen Booliska magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Mareykanka, iyadoo Gobolka Minnesota ee dilka George Floyd ka dhacay uu gubayo ayna socdaan boob iyo bililiqo.
Waxay rabshadaha ku baaheen magaalooyinka New York, Atlanta, waxayna dadka bannaanbaxaya gaareen Aqalka Cad, kadib markii ay ciidamada Amniga isku dhaceen, kuwaasoo ka hortegay inay galaan Aqalka Cad.
Madaxweyne Trump ayaa ku bogaadiyey ciidamad ilaalada Aqalka Cad sida heerka sare ah ee ay ula macaamileen dadkii bannaanbaxayasha ahaa, wuxuuna u sheegay in kuwa isku daya inay soo dhaafaan gidaarka loo dhigay Aqalka Cad inay sugayaan Eeyo si darran u carbisan oo mudankooda ka waraabin doona.
Trump ayaa dadka bannaabaxaya ku eedeeyay inaysan ahayn dad isugu soo baxay xuska iyo cadaalad u raadinta George Floyd ee ay uun ahaayeen qas-wadayaal.
Booliska ayaa iska hor imaad la glay mudaaharaadayaasha rabshadaha watay, waxaana banaanbaxyada ku faafeen magaalooyinka Chicago, Illinois, Los Angeles, California, Memphis, Tennessee, Washington, New York iyo kuwo kale.
Waxaa laga cabsi qabaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, iyadoo markii ugu horeysay la filayo in loo yeero Booliska Milateriga ah ee Mareyanka iyo Ciidmada ilaalada Qaranka tan iyo sanadkii 1992-kii si looga hortago in dalku qalalaase galo.













