Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa taariikh cusub ka dhigay baraha bulshada kadib markii uu Axadii bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin ku saabsan is-naceybka jinsiya ku saabsan ee Mareyanka ka taagan.
Farriintan ayaa noqotay mid ka mida kuwii ugu badnaa ee dib la isugu diro taariikhda twitter-ka ama dadku ay ka helaan, waxaana uu farriintiis ku yiri:.
“Cidna kuma dhalan iyadoo qof kale ku neceb midabkiisa, halka uu kasoo jeedo iyo diintiisa darteed..”
Farriintan waxay saxaafadda Mareykanka sheegtay in sawirka loo adeegsaday uu calaamad badan bixinayay, kaasoo ahaa in Obama uu dariishada kala hadlayo caruur yaryar oo midabo kala duwan leh.
In ka badan Hal milyan ayaa dib u faafiyay farriintaasi, halka ku dhowaad 3 Milyan ay ka heleen farriintan oo noqtay farriintii ugu horeysay taariikhda twitter-ka ee gaarta in ka badan 3 Milyan oo ka helis ah (like).
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanka ay ka dhaceen bannaanbaxyo ay soo abaabulen Caddaanka cunsuriyiinta ah oo ka dhacay magaalada Charlottesville, kaasoo dhaliyay inay fara saaraan bannaanbaxayaal kale oo ka horjeeday.
Madaxweynaha Mareykanka ee xilligan ayaa wajahaya cambaareyntii ugu badneyd kadib markii uu ku fashilmay inuu qaab madaxweyne u dhaqmo isagoo isla simay cunsuriyiinta iyo dadka kasoo horjeeda.