Wararka laga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xildhibaanada Galmudug Garabka magaaladaasi ku shirsan ay magacabeen Guddi doorasho oo ay inuu qabanqaabinayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Waxaa kulanka shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, isagoo shaaciyey in lagu magacaabay guddiga doorashada Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug, kadib markii garabkaasi ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir.
Tirada Guddiga Dooradaha ayaa lagu sheegay 11 xubnood, kuwaasoo diyaarinaya doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, waxaan dhinaca kale ka socda magaalada Dhuusamareeb olole lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabeey) oo mooshin laga keenay.
Xaaladda maamulka Galmudug ayaa kasii dartay iyadoo ay hadda laba qeybood u kala jabeen, waxa la sugayana ay tahay laba maamul oo is barbar socda.