Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»K/Galbeed»Bayaan kasoo baxay shirkii ugu weynaa ee looga horjeedo Shariif Xasan oo Muqdisho ka dhacay [Akhriso]

    Bayaan kasoo baxay shirkii ugu weynaa ee looga horjeedo Shariif Xasan oo Muqdisho ka dhacay [Akhriso]

    October 12, 20174 Mins Read K/Galbeed
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirweyne looga hadlayay aayaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xubno ku kacsan madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Shirkan oo ay ka dhex muuqdeen xildhibaanno, wasiiro hore iyo siyaasiyiin ayaa laga soo saaray bayaan ku saabsan sidii xilka looga tuuri lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo faahfaahin laga bixiyay qaabka uu ku hogaamiyo mamaulka K/galbeed.

    WAR MURTIYEED

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka Oktoobar 2017ka, Xildhibaanda maamulka KG ayaa warbixin ay diyaariyeen u diray Wasiirada, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka, waxgaradka, Qurba joogta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    Bayaankan oo lagu xusay maamul xumada iyo musqa baahsan ee uu ku kacay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaan halkan hoose ku xusayna kuwooda ugu muhiimsan:

    1. Madaxweynaha maamulka K/Galbeed mas’uuliyaddiisa waa u adeegida iyo ka shaqaynta danaha shacabka gobollada K/Galbeed, nasiib darro madaxweynaha wuxuu gudan waayay waajibaadkiisa isagoo ku fiirsaday una danqan waayay dhibaatada haysata shacabka uu masuulka ka yahay.

    2. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu ku bixiyaa lacago aad u farabadan ku duulista diyaaradaha dalka gudahiisa iyo dibediisa isagoo xarunta maamulka ka maqan 85% waqtigiisa, iyadoo wax dan ah ugu jirin maamulka iyo shacabka K/galbeed, halka shacabkii uu magacooda kursiga ugu fadhiyay ay ku habsatay abaaro, gaajo, cuduro iyo colaad iyadoo maalinkasta ay dhimanayaan tiro dad ah, xoolahoodiina u dhamaanayaan Biyo iyo baad la’aan. inta uu ka maqan yahay Baydhaba xarunta maamulka ma jirto Madaxweyne Kuxigeen sharci ah oo waafaqsan dastuurka siinaya awoodihii maamul si aanu u dhicin (Gap) ama firaaq.

    3. Madaxweynaha Maamulka wuxuu u horseeday maamul xumadiisa in la joojiyo mashaariicdii iyo dhaqaalihii loogu deeqi jiray maamulka K/Galbeed , halka ay mashaariicdooda horumarineed loo fuliyo Maamul Goboleedyada kale, taas oo sabab looga dhigay inuu maamulkiisa buuxin waayay sharuudihii laga doonayay oo kala ahaa:

    a. Kabixida maamulka K/galbeed Kumeelgaarnimada.

    b. Dhisiddii hay’adihii Maaliyada iyo isla xisaabtanka.

    c. Xisaab celin la’aanta wixii horey loogu deeqay.

    4. Iyadoo hubkii uu lahaa maamulka ee loogu tala galay sugida amniga deegaannada iyo gobollada K/Galbeed uu ku wareejinayo kuna hubeynaayo qabaa’ilada qaarkood kuwa kalena laga iibinaayo kooxaha nabad diidka ah, si qalqal loo galiyo nabad galyada deegaanadaas taasoo ujeedadiisu tahay inaan lala xisaabtamin maamulka, laguna mashquulo amni darrada Goboladaa.

    5. Gobolka Sh/Hoose oo ah Gobolka ugu muhiimsan wax soosaarka dalka ayaa waxaa ku habsatay colaad aan dhamaad lahey oo ay isku badalaan kooxo magacyo kala duwan sheegta una diiday shacabkii deganaa inay helaan nolol iyo nabad, halkaas oo ka socoto barakicin baahsan oo naxariis laheyn, burburin ilihii wax soo saarka beeraha, Gubid qaar kamid ah guryahii ay deganaayeen iyo biliqaysi hantida ay lahaayeen shacabka degaanka dekanaa, iyadoo qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay qayb kayihiin waxa halkaas kasocda, kuwa kalena raali kayihiin dhibaatadaas.

    6. Madaxweynaha wuxuu mar walba ku xad gudbaa dastuurka udagsan Maamulka KGS qodobada uu jebiyay waxaa ka mid ah:

    a. Qodobka 43 faqradiisa 2aad

    b. Qodobka 44aad faqradihiisa 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad

    c. Qodobka 48aad faqradihiisa 1aad iyo 3aad.

    Gunaanad

    Kadib markaan u kuurgalnay abaarta, colaada iyo dhibaatada heysata Shacabka kunool Gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya isla markaana uu dayacay Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Mas’uuliyadii ka saarneyd wax u qabashada shacabkaa.

    Kadib markay cadaatey daahfurnaan la’aanta maamulka K/Galbeed ayay hay’adaha iyo Beesha caalamka hakiyeen mashaariicdii iyo dhaqaalihii horey loogu ogolaaday Maamulka.

    Kadib markaan aragnay ku xadgudubka Dastuurka iyo sharuucda u degsan maamulka isagoo goorwalba curyaamiya madaxbanaanida hay’adaha Sharci- dajinta iyo cadaalada si aan loo helin isla xisaabtan dhab ah.

    Kadib markaan helnay qataraha amni ee ku soo wajahan shacabka gobolada K/Galbeed iyadoo hogaanka maamulkana ku mashquulsan yahay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

    Hadaan nahay Golaha Wakiilada KGS oo mas’uuliyadoodu tahay la xisaabtanka hay’adaha fulinta iyo Madaxweynaha Maamulka KGS waxaan KA CODSANEYNAA masuuliyiinta heer Federaal, siyaasiyiinta KGS, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee halkan fadhida in ay nagu taageeraan gudashada waajibaadkeena dastuuriga ee kuwajahan Madaxda iyo maamulka KGS.

    Wabillahi Towfiiq.

    22365283_205250543356954_9011365057478458392_n

    22310622_10214826052950810_5637934748003367844_n

    22310524_205250586690283_859257040195284900_n

    K/Galbeed Mooshin Shariif Xasan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre: “Qofna ka ogolaan meyno dhaliil dalka lagu duminayo…” [DAAWO JAWAAB KULUL]
    Next Article SHIRKA KISMAAYO SIDAN KAMAAN SUGEYNIN! [Qormo dhab ka hadal ah]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo