Shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Dahraan ee dalka Sacuudiga ayaa laga soo saaray bayaan dheer oo ku saabsan xaaladda dalalka Carabta.
Bayaanka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bayaanka lagu xusay xaaladda Soomaaliya, iyadoo qodob ka mida kuwa ugu danbeeya lagu taageeray dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto nabad iyo dagaalka argagixisada.
“Waxaan taageereynaa taageerada aan siineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, sidii ay u soo celin lahayd nabadda iyo xasiloonida, iyo dagaalka ay kula jirto argagixisada, dib u dhiska iyo xoojinta hay’addaha dowladda..” ayaa lagu yiri qodobka kaliya ee Soomaaliya quseeyay.
Bayaanka ayaa intiisa badan waxaa lagu taageeray qadiyadda reer Falastiin, faragelinta Iiraan iyo xaaladdaha Yeman iyo Suuriya.