Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in Beesha Waceysle ee degta Degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud ay Kooxda Alshabaab ugu deeqen Qoryo iyo dhalinyaro kooxdaasi u dagaalama.
Dhalinyarada oo u muuqda inay u badan yihiin caruur ayaa gaaraya 100, iyado kamid noqon doona dagaalyahaanada Alshabaab. Qoryaha loogu deeqay maleeshiyada ayaa gaaraya 20 qori oo ah kuwo cusub.
Odayaasha Beeshan oo dega degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud dhalinyarad iyo hubka ku wareejiyay Guddoomiyaha Wilaayada Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com