Beesha Eylo-jafaay ayaa shaacisay in kursigii ay ku lahayd Baarlamaanka Federaalka ay muddo 8 sano ah si koob ah ku fadhido Wasiir ka tiran xukumadda Soomaaliya oo lagu magacaabo Maryan Aweys Jaamac.
Odayaasha iyo waxgaradka Beeshan ayaa ku doodaya in kursigan ay beeshooda kasoo heshay shirkii Mbaghati, balse 2012 ay beesha Maryan Jaamac la wareegtay kursigoodii, kadibna doorashii hore u rartay Magaalada Kismaayo, isla markaana ay 8 sano boob uga heysatay kursigaasi, iyagoo madaxda Sare ka dalbaday in kursigooda dib loogu oo celiyo, iyagoo dacwad ka furan tahay maxkamadda Sare.

Shekh Xuseen Kuulow oo ka mida hoggaamiyaha dhaqanka Beesha Eylo-Daafeed (Jafaay) ayaa sheegay in Beesha Mushunguli ay kursigoodii si dulmi ah loo siiyey, si cadaalad darro ahna ay mudaddaasi ku fadhiday Wasiirad Maryan Aweys, iydoo ay iska kashadaeen nabadoonkii Mushunguli iyo Ergeygii Q/Midoobay ee Mahiga.
Xiiliyada Doorashooyinka soo dhowaadaan ayaa waxaa soo baxa qeylo dhaan iyo doodo ka taagan kuraasta qaarkood oo dib ugu noqoneysa qaabkii loo qebiyey shirarkii dib u heshisiinta Jabuuri 2000 iyo Mbaghati 2004.
