Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay ka qeyb galayaan Doorashada 2016 ee Soomaaliya ka socota.
Xubno ay ka mid yihiin Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa iyagoo wadajira shir jaraa’id ka sheegay in wadatashi dheer ay go’aan ku gaareen ka qeybgalka doorashada dadban 2016.
Suldaan Siciid Diiriye oo ku hadlay magaca Dir Waqooyi ayaa sheegay inay tixgalinayaan Go’aankii Madasha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo lagu gaaray iyo Marxalada kala Guurka ah ee Hadda uu Dalku Marayo.
Wuxuu ka codsaday Guddiga Doorashooyinka Dadban inay dedejiyaan Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka ka soo galaya Gobolada Waqooyi ee Dalka.
AKHRISO: Heshiis laga gaaray qaabka loo dooranayo xildhibaanada Somaliland [Qoraal rasmi ah]
Go’aankan ayaa ka danbeeyay heshiis laga gaaray qaabka doorashada ee beelaha dirta Waqooyi (Somaliand) kadib is mari waa’ muddo 5 bilood ah ka taagnaa qoondada beelaha Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka soo socda.
Wadani.com