Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka oo Amarro ka soo saartay musharixiinta ku kaca Musuqmaasuqa Doorashada (War-saxaafadeed)

    Beesha Caalamka oo Amarro ka soo saartay musharixiinta ku kaca Musuqmaasuqa Doorashada (War-saxaafadeed)

    November 20, 2016Updated:November 20, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraal ka soo baxay Beesha caalamka ayaa lagu booriyay Guddiga doorashada inay fuliyaan xeerarka doorashada u yaala ee looga hortagayo musuqa iyo awood sheegashada musharixiinta.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA BEESHA CAALAMKA

    BEESHA CAALAMKA OO KU BAAQDAY IN TALLAABO ADAG LAGA QAADO DHACDOOYINKA KU TAKRIFALKA HANAANKA DOORASHADA

    Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Madasha Hogaanka Qaran inay awooddooda iyo saameyntooda adeegsadaan si ay uga hortagaan falalka ku takrifalka iyo caddaalad darrada ka dhaca hanaanka doorashada. Falalkan waxaa ka mid ah kadeedidda iyo cagajugleynta loo geysto musharaxiinta, ku feegaaridda liisaska ergada iyo musharaxiinta, iyo adeegsiga ciidamada amniga iyo hantida kale ee dowladda si musharax baarlamaan loogu roonaado loogana hormariyo mid kale.

    Saaxiibada beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan guddiyada doorashada ee gaarka ah ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43 kursi ee 54ka kursi ee Aqalka Sare ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada 112 kursi ee 275ka kursi ee Golaha Shacabka.

    Waxaa muhim ah in baarlamaanka cusub iyo dowladda federaalka ee soo socota loo soo doorto si waafaqsan xeerarka ay dejisay Madasha Hogaanka Qaran ayna hirgeliyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GDGHDD). Sharciyadda iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida loo arko hanaanka ayaa muhim u ah in la aqbali karo lagu kalsoonaan karo baarlamaanka iyo dowladda federaalka ee soo socota.

    Beesha caalamku waxay hoosta ka xariiqaysaa muhimadda ay leedahay shaqada Hanaanka Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya cabashooyin badan ee ka soo gaara musharaxiinta diiwaangashan si ay qof qof ugu qiimeeyaan in la rumeysan karo cabashooyinkooda. Waxay sidoo kale aqoonsantahay kaalinta mugga leh ee ay odey dhaqameedyo badan ka cayaarayaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya beesha dhexdeeda.

    Waxaa arrin lagu farxo ah in banaanka lasoo dhigay qaladaad farabadan lana saxay. Si kastaba ha ahaatee, saaxiibadu waxay aad uga welwelsanyihiin tiro dhacdooyin ah oo heerkoodu sarreeyo oo la iska dhega-tiray xeerarka iyo nidaamyada. Waxaa kamid ah musuq-maasuq, cod-iibsasho, kadeed iyo cagajuglayn loo geysto musharaxiinta, ergada doorasho, odayaal dhaqameedyada iyo dad kale.

    Saaxiibada caalamku waxay sii wadaan inay walaacooda la wadaagaan madaxda ku habboon oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamul-goboleedyada. Waxay si buuxda u taageerayaan go’aanada ay guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku hakiyeen codaynta kursi gaar ah ama reebid musharax guulaystay iyadoo loo cuskanayo caddayn buuxda oo xaqiijinaysa cabasho wax isdabamarin halis ah oo la xiriirta geedi-socodka doorashada.

    Waxay ku boorrinayaan GFHDD iyo GDGHDD inay u hogaansanaadaan waajibaadyadooda shaqo iyagoo u danaynaya daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka. GDGHDD waa inay waqtiga loogu talagalay usoo gudbiyaan GFHDD liisaska ergada iyo musharaxiinta, qoondada kuraasta u gaarka ah musharaxiinta haweenka ah iyo natiijada codbixinta hordhaca ah. GFHDD waa inuu daabacaa liisaska musharaxiinta baarlamaanka uuna u faafiyaa si ballaaran.

    “Geedi-socodkan doorasho wuxuu u socdaa si aad uga wanaagsan sidi dad badan ay saadaalinayeen saddex ama lix bilood kahor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin ku-takrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noqon lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

    “Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo warbixinnada lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan ku-xadgudubka xeerarka iyo nidaamyada geedi-socodkan, iyo in tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda geedi-socodka”

     

    Beesha caalamka Doorashada 2016
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDagaal Qaraar oo caawa ka socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
    Next Article Yaa tegay shirkii “TALO QARAN” ee Madaxweyne Xasan Sheekh..? [DAAWO SAWIRRO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo