Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, June 9
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Beesha caalamka oo baaq yaab leh kasoo saartay Mooshinka Madaxweynaha (War-saxaafadeed)

    Beesha caalamka oo baaq yaab leh kasoo saartay Mooshinka Madaxweynaha (War-saxaafadeed)

    August 19, 2015Updated:August 19, 20155 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilada Beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay goor dhow ka soo saareen xaaladda siyaasadeed  ee Soomaaliya iyo Mooshinka xil ka qaadista ah ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya waxay ku baaqeen in dhinacyada ay arrintani quseyso ay xal u helaan xiisada siyaasadeed ee mooshinku keenay.

    beeshac

    Go’aanka Beesha caalamka ayaa ka dambeeyay markii ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada kala duwan ee mooshinka keenay iyo kuwa ka soo horjeeda.

    “Iyadoo la tixgelinayo xaalada xasaasiga ah ee dalku marayo waxay Beesha caalamka ku boorisay dhinacyada dowladda Federaalka inay xal degdeg ah u helaan xiisada uu dhaliyay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka wadajirka ah.

    “Beesha caalamka oo ka kooban Q/Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska  waxay muujinayaan welwelka xoogga leh oo ay ka qabaan mooshinka xil ka qaadisa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib u dhac u keeni karo horumarkii nabadda Soomaaliya iyo yoolkii dowlad dhisidda” ayaa ka mid ahayd war-saxaafadeedka Beesha caalamka oo dhinaca kale lagu muujiyay inay beesha caalamka si buuxda u tixgelineyso xaqa Baarlamaanka Federaalka u leeyahay inuu guto waajibaadkiisa shaqo iyo la xisaabtanka madaxda oo ay ka mid tahay mooshin.

    Waxay kaloo beesha caalamka dib u xusuusisay dhinacyada dowladda Federaalka go’aankii Golaha ammaanka Q/Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2232 ee ahaa gaarista hiigsiga cusub iyo doorasho dalka ka dhacda  iyadoo aanay jirin xil kororsi.

    WAR-SAXAAFADEEDKA OO AF-INGIRIIS KU QORAN HALKAN KA AKHRISO

    Beesha Caalamka ayaa u muuqata inaysan la dhacsaneyn Mooshinka Madaxweynaha waxaan baaqeeda ka muuqda in xal loo helo mooshinka taasoo ka dhigan in aan isbedel madaxweyne la sameyn ka hor 2016-da.

    WAR-SAXAAFADEEDKA

    [blockquote style=”2″]Iyagoo ah saaxiibada dadka Soomaaliyeed oo ka walaacsan xaaladda, ayaa danjireyaasha Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) waxay muujinayaan inay aad uga welwelsanyihiin in mooshinka Baarlamaanka ee lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu carqaladeeyo horumarka Soomaaliya ay gaarayso yoolalka nabadda iyo dowlad dhisidda. “Inkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay’adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuur, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hanaanka loo maro oo hufanaato, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah. Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba. Inkastoo aan aqoonsanahay horumarka sannadihii la soo dhaafay laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhanka federaalka, iyo annago sidoo kalena aqoonsan kaalinta muhimka ah oo geesinimada leh ee uu ka geystay Baarlamaanka Federaalka, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka ka soo gaarto, waxaan weli ka welwelsanahay horumarka ka socda ajendaha sharcidejinta iyo baahida loo qabo in la ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka midyihiin shuruucda doorashada, muwaadinimada, xisbiyada siyaasadda iyo maxkamadda dastuurka. Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahanyihiin muddo xasilloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Soomaaliya inay ka fa’iideysato Barnaamijka Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo sannadka 2016. Sannadkii 2014, saaxiibada caalamku waxay si joogta ah ugu ololeeyeen xasilloonida siyaasadda iyo sii socodka hawsha, ixtiraamka kaalimaha ay hay’aduhu kala leeyihiin sida ku qeexan dastuurka iyo tallaabooyin xoog leh ee wax looga qabto musuqmaasuqa laguna horumariyo maareynta maaliyadda guud, oo ay ka midyihiin dhinacyada amniga iyo difaaca. Sannadkan 2015kana, mawqifkeena waa sidiisii oo waan ku adkeysaneynaa, ismana bedelin. Waxaa naga go’an inaan dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorasho ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay’ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin. Hanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka dalkoo idil. Waxaan ka warhaynaa in laanta Fulinta (Xukuumadda) iyo Xildhibaanada Baarlamaanka labaduba ay ogolaadeen Qorshe Hawleedka la soo jeediyay ee hanaanka wadatashiga qaran. Waxaan rumeysanahay in dadka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay wakiilladooda la soo doortay, oo ay ka midyihiin Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kula xisaabtamaan sannadka 2016ka, iyagoo u maraya hanaan doorasho oo daahfuran oo loo wada dhanyahay. Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha federaalka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, ayna diiradda saaraan arrimada mudnaanta leh ee ay dadka Soomaaliyeed dejisteen: (a) diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka; (b) sameynta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda; iyo (c) la dagaallanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah, mahadi ha ka gaartee taageerada iyo dadaalka ay naftooda u hurayaan ciidamada amaanka qaranka Soomaaliyeed, Midowga Afrika iyo saxiibada kale.”[/blockquote]

    Dhamaad

    Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM:
    www.unsom.unmissions.org
    @UNSomalia

    [ad name=”HTML-1″]

     

    Beesha caalamka Mooshinka madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Nicholas Kay oo markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinka Madaxweynaha
    Next Article International community urges rapid resolution to crisis created by impeachment motion against President

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo