Beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa war ay ka soo saartay xaaladda Soomaaliya dalbaday in si degdeg loo joojiyo colaadda magaalada Gaalkacyo, loo kala qaado ciidamada, loona fuliyo heshiiskii Gaalkacyo ee labada dhinac saxiixeen.
War-saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin dagaalka kasoo cusboonaaday ciidamada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo ee keenay ugu yaraan inay ku dhintaan 5 qof, ayna ku barakacaan boqolaal shacab ah oo hore dagaaladu u bara kiciyeen.
Beesha caalamka waxay xusuusisay madaxweynayaasha C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed inay 2dii December 2015 saxiixeen heshiis ay ku balanqaadeen inay ka dhowrsan doonaan tallaabo kasta oo colaad kicin karta kadib dagaalkii Novembar sanadkii hore.
Heshiiska Gaalkacyo waxay labada dhinac isku waafaqeen inay xabad joojinta ka dhigaan mid joogto ah, la sameeyo Guddi labada dhinac ka tirsan si arrinta loogu xaliyo nabadgelyo, ciidamadooda kala baxaan goobaha lagu dagaalamaym dadka barakacayna dib u soo noqdaan.
Beesha Caalamka ayaa sheegay in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay si xiisadda loo yareeyo, lana dardar geliyo heshiis la gaaro iyadoo la soo nooleynayo heshiiskii 2-da Decembar. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dowladda Soomaaliya waxay sameeyeen Guddi Farsamo oo dhinacyada ay quseyso kala shaqeeya sidii xabad joojin degdeg loo gaari lahaa loona joojin lahaa colaadda.
“Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay adeegsadaan saameynta ay leeyihiin ayna degdeg u joojiyaan dagaalka” ayuu yiri wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo ku baaqay in hirgeliyo heshiiska ay gaareen 9-kii bishan odayaasha iyo culimada degaanka, una sheegay labada maamul goboleed inay ciidamadooda kala baxaan Gaalkacyo oo ay is xakameeyaan.
https://twitter.com/SRSGKeating/status/786645309036212225